Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Rooble kala hadlay Odayaasha Dhaqanka & Guddiga doorashada Banaadiriga?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku saabsan hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga la yeeshay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulanka oo goobjoog ay ka ahaayeen Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku soo bandhigay sida ay uga go’an tahay xaqiijinta hufnaanta Doorashooyinka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay taladooda iyo aragtidooda ku aaddan hufnaanta doorashada iyo xaqiijinta qoondada haweenka ee Golaha Shacabka.

Dhankooda, Odeyaasha dhaqanka ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha sida uu u tixgeliyey talooyinkooda, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorasho xasilloon oo ka tarjumeysa hannaanka hab-qeybsi ay heshiis ku yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladii u horeysay oo ka jawaabtay baaqii Xukuumada Somalia, kuna deeqday..

Caydiid Ali

Puntland oo amar ku soo rogtay Xisbiyada Siyaasada Soomaalida (War-saxaafadeed)

Caydiid Ali

Xildhibaan Si adag uga Jawaabay Jees jeeskii xalay ee Madaxweyne Farmaajo !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---