Masjid Weyn oo kuyaala dalka Kenya oo la bur buriyay iyo caro xoogan oo ka dhalatay

Amar kasoo baxay Waaxda tareenada ee dalka Kenya ayaa lagu bur buriyay masjid weyn iyo dhismayaal kale oo kuyaala deegaanka Kiboi oo dhaca gobolka Kisumu ee galbeedka Kenya, waxaana talaabadan masjidka lagu bur buriyay ka dhalatay caro xoogan.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa ku warantay in masjidka la bur buriyay uu kamid yahay masaajida ugu waa weyn ee kuyaala dalka Kenya, waxaana masjidkan la dhisay sanadkii 1938-dii.

Howlgalkan masjidka iyo dhismayaal kale oo badan lagu bur buriyay waxaa qaaday waaxda tareenada dalka Kenya oo sheegtay in si sharci darro ah ay dadka ku degnaayeen dhulkaas kana dhago adeegeen in ay ka guuraan.

Dadka deegaanka Kiboi iyo muslimiinta kunool dalka Kenya ayaa si weyn u cambaareeyay talaabadan masjidka lagu bur buriyay, waxa ayna falkaasi ku tilmaameen dambi weyn oo laga galay dadka islaamka ah .

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo katirsan Baarlamaanka dalka Kenya ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada lagu burburiyay masaajidka kuna tilmaamay mid khalad ah oo kasoo horjeedo diinta Islaamka.

“Waxaan cambaareynayaa waaxda tareenada ee Kenya tallaabada ay isaga dhaga tirtay go’aanka maxkamadda ee ah in aanan la burburin masaajidka iyo guryaha taas oo dad badan oo Kenyan ah ay guryo la’aan noqdeen, xitaa maamuladii dhibka badnaa, taariikhda laguma hayo in la burburiyo guriga lagu cibaadeysanayay” ayuu yiri Xildhibaan Aadan.

Baraha bulshada ayaana si weyn loogu cambaareeyay talaabadan lagu bur buriyay Masjidka iyo guryaha dadka rayidka ah degnaayeen, waxaana bur burintan si weyn uga falceliyay muslimiin ta kunool Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -