Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Banaan baxyo lagu taageerayo Alexei Navalny oo ka socda dalka Ruushka (Daawo Sawirro)

Magaalooyin kuyaala dalka Ruushka waxaa ka bilowday banaan baxyo lagu taageerayo hogaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalka Ruushka Alexei Navalny, oo maalintii axada xireen ciidamada amaanka Ruushka.

Hogaamiyaha mucaaradka ee sida weyn u dhaliila siyaasada Madaxweyne Puntin ayaa laga xiray garoonka diyaaradaha xili uu kasoo laabtay dalka Jarmalka oo looga soo daweeyay sun la siiyay bishii Agoosto ee sanadkii hore.

Taageerayaasha hogaamiyahan mucaaradka ayaa isugu soo baxay magaalooyin dhoor ah oo kuyaalka dalka Ruushka si ay u muujiyaan sida ay uga careesan yihiin xariga dowlada u geestay Alexei Navalny.

Ciidamada amaanka ayaa xir xiray qaar kamid ah dadka banaan baxa dhigayay ay ku jiraan afhayeenka Hogaamiyaha mucaaradka iyo labo kamid ah qareenadiisa, waxaa sidoo kale la xiray qaar kamid ah dadka banaan baxa dhigaya.

Hogaamiyaha Mucaaradka Ruushka ayaa ugu baaqay taageerayaashiisa in ay isugui soo baxaan banaan baxyo waa weyn oo looga soo horjeedo siyaasada caburinta ku dhisan ee Madaxweynaha Ruushka  .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amiirka Qadar oo amar ku bixiyay in Soomaaliya loo diro gar gaar caafimaad oo deg deg ah

Cabdi Cade

Saraakiil ciidan iyo Masuuliyiin abaabul dagaal iyo kulamo kawada Ceeldheer (Sawirro)

Cabdi Cade

C/raxman C/shakur: “Waxaa ka socota Baarlamanka ciyaar garsooraha & laacibka hal qof isku yihiin”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---