Qarax Lagu dilay Masuuliyiin oo goordhaw ka dhacay Duleedka magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw qarax nuuca miinada dhulka lagu aaso oo ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho lagu dilay ,masuuliyiin katirsan maamulka deegaankaasi iyo dad kale oo la socday.

Masuuliyiin katirsan maamulka Gobolka Banaadir ayaa noo xaqiijiyay in qaraxa miino lagu dilay Gudoomiye kuxigeenkii amniga iyo Siyaasada Deegaanka Garasbaaley Cali Maxamed (Cali Jareere ) iyo Gudoomiyaha Dhalinyarada Garasbaaley C/Rashiid Dubad.

Sida wararka aan ku helnay qaraxan oo haleelay gaariga uu watay Gudoomiye kuxigeenka Garasbaaley waxaa sidoo kale ku dhintay darawalkiisa iyo askari kale oo ilaalo u ahaa sida goobjoogayaal ku warameen.

Ciidamada amaanka deegaanka Garasbaaley ayaa gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay, waxaana halkaasi laga qaaday meydadka Gudoomiye kuxigeenka iyo dadkii kale ee qaraxa miino ku dhintay.

Laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaan wali ka hadlin qaraxan goordhaw lagu dilay masuuliyiinta katirsanaa deegaan Beeleedka Garasbaaley, waxaana socda baaritaano ay wadaan ciidamada amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -