Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Somaliland oo qabtay Markab iyo Ajaaniib la socotay (Daawo Sawirro)

Ciidamada ilaalada xeebaha maamulka Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay Markab nuuca kaluumeesiga iyo ajaaniib la socotay ah oo si sharci daro ah uga kaluumeesanayay xeebaha deegaanada maamulkaasi.

Saraakiil katirsan ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa sheegay in Markabkan oo kaluumeesi sharci daro ah ku jiray ciidamada kasoo qabteen xeebaha gobolka Somaliland ula baxeen Salal.

Markabkan kaluumeesi ay qabteen ciidamada Somaliland ayaa waxaa la socday 15- nin oo ajaaniib ah , maamulka Somaliland ayaana wali shaacin dalka laga leeyahay Markabkan iyo wadamada ay kasoo jeedaan shaqaalaha la socday.

Ciidamada Badda Somaliland ayaa mararka qaar gaaf wareega xeebaha deegaanada maamulkaasi si ay uga hortagaan maraakiibta iyo doonyaha sida sharci darada ah uga kaluumeesta xeebaha deegaanadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal la isku habeensaday oo ka socda degaanka Masjid Cali Guduud

Caydiid Ali

Macalin Dil u geestay Arday uu wax barayay oo Xukun dal dalaad ah lagu riday

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Garab istaag u balan qaaday Madaxweynaha Sudan (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---