Wiil Soomaali ah oo sabab yaab leh dalka Jarmalka ugu dilay nin ajnabi ah

Booliska dalka Jarmalka ayaa xabsiga u taxaabay Wiil Soomaali ah oo loo heysto inuu dilay nin ka soo jeeda dalka Afghanistan oo qaxooti ku ahaa dalkaasi.

Labada nin ayaa ka mid ahaa ajaaniib qaxooti ah oo ku jiray kaam ku yaalla magaalada Hanau

Maxkamada Magaalada Hanau oo kiiskaasi gacanta ku haysa ayaa sheegtay in Wiilka Soomaaliga ah & kan Afghanistaniga ah ay ku murmeen Mashiinka dharka lagu dhaqdo, taasoo sababtay inuu dhexmaro dagaal gacan ka hadal ah oo sababay in nafta la dhaafiyo muwaadinkaas ka soo jeeda dalka Afghanistan.

Mashiinka dharka lagu dhaqdo ayaa ahaa mid la wadaago oo dad badan ka dhaxeeyay.

Sidaa Waxaa lagu ogaaday muuqaal laga duubay markii ay murmayeen ee ay Mashiinka dharka isku haysteen kaasoo ay duubeen dad kale oo goobtaasi kaamka ah la daganaa.

Wiilka Soomaaliga ah oo macagiisa lagu soo gaabiyey Abdikadir M oo 33 Jir ah ayaa hadda xabiga ku jira.

Ninka Afghanistan ah ayaa la sheegay inuu dalkiisa dhibaato iyo dagaal uga soo cararay, balse nasiib daro halkii uu magangalyada ka soo doontay ayaa lagu dilay,  isagoo ku baxay gacan wiil Soomaali ah oo isaga laftiisa uga soo cararay dalkiisa dhibaatooyin ka jira.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -