Laftagareen oo saraakiisha ciidamada kala shiray dib u furida jidadka Xudur (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa kulan looga hadlayey dar-dar gelinta xaqiijinta amniga iyo dib u furida wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee Gobolka Bakool waxa uu la qaatay Saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulanka Waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Arimaha gudaha dowlada Federaalka Mudane Aadan Abdinaasir Maxamed,  Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  La taliyaha Madaxweynaha Arimaha Siyaasada Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) iyo Taliyaha Qeybta 60aad ee xoogga dalka  General Maxamed Shiikh Cabdullaahi Ciirow.

Laftagareen ayaa saraakiisha ciidamada ka dhegeystay sida ugu haboon ee Al-shabaab looga saari karo jidadka u xiran ee gobolka, meeshana looga saari karo cuno-qabateynta ay ku hayaan shacabka gobolka Bakool.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii ay soo baxeen cabashooyin isdaba joog ah oo ka soo yeeraya shacabka gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur ka dib markii Al-shabaab ay gubeen gaadiid raashiin u waday halkaas taasoo keentay in maciishada ay cirka gasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -