Maraykanka oo gebi ahaan ciidamadiisa kala baxay gudaha Soomaaliya

Ku dhawaad 700 oo askari oo Mareykan ah ayaa ka baxay gudaha Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiisha Pentagonka Mareykanka.

Hawlgalka ka bixitaanka ciidanka Mareykanka ee ku sugnaa Soomaaliya ayaa dhameystirmay, kuwaasoo Soomaaliya u joogey fulinta iyo difaacidda danaha Mareykanka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay kusoo aaddantahay doorashada madaxtinnimo, iyadoo dhanka kalana ay Alshabaab sii waddo dagaalka ka dhanka ah Dawladda Federaalka.

Taliska milatiga Mareykanka waxay sheegeen in Mareykanku sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab.

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd inay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku beegsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa amar ku bixiyay in dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee Soomaaliya ku sugan laga soo saaro ugu dambeyn 15-ka bishan January, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee loo yaqaanno Pentagon.

Saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askarta ka baxday Soomaaliya qaarkeed la geynayo dalalka dariska ah, si ay u fuliyaan howlgallo xuduudda looga tallaabayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -