Fahad Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Dheere oo ka baxay Muqdisho iyo Xog ku aadan halka ay aadeen

Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in saakay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofeen Taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin iyo Saaxiibkiis Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Dheere.

Labadan nin oo ahaa garbaha uu ku duulo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Muqdisho macsalaameeyay maalin kahor inta uusan Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh la wareegin Villa Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay Fahad Yaasiin iyo Cabdiraxmaan Dheere ayaa saakay horey usii raacay diyaarad toos ah oo kusii jeeday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaas oo la filayo in ay sii joogaan.

Fahad Yaasiin oo rejo badan ka qabay in mar kale talada dalka Farmaajo kusoo laabto ayaa guuldareestay markii Xasan Sheekh Maxamuud uu marar badan colaadiyay loo doortay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Ninkan oo lagu tilmaami jiray milkiilaha dowladdii Farmaajo ayaa sidoo kale ka samray kursigii Xildhibaanimo ee loo xoogay balse guddiga doorashada diideen, waxaana kursigaas la filayaa in si fudud ugu soo laabto xildhibaankii horey ugu fadhiyay Faarax C/Qaadir.

Fahad Yaasiin ayaa ka cabsi qaba in loo maxkamadeeyo kiiska dilkii Ikraan Tahliil , waxaana Fahad Yaasiin la filayaa in muddooyinkan dibad joog dalka ka ahaado, iyadoo la tilmaamay in uu cadaawad badan abuurtay ayna adag tahay in Muqdisho kusii sugnaado.

Waxaa sidoo kale la filayaa in magaalada Muqdisho isaga hayaamaan xubno badan oo katirsanaa nidaamkii Nabad iyo Nolol uu hoggaamin jiray Madaxweyne Farmaajo, kuwaa oo intii ay talada hayeen aan u dhaqmin si masuuliyad ku jirto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -