Galmudug oo si kulul uga hadashay shacabkii lagu dilay tuulada Xirsi Lugey

Ku-simaha Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ahna Madaxweyne ku-xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa tacsi u diray dhamaan qaraabada iyo eheladii marxuumintii maanta lagu laayey weerarkii ka dhacay Degaanka Xirsi Lugey oo ku yaalla duleedka degmada Balanbale ee gobolka Galgaduud.

Cali Daahir Ciid ayaa cambaareeyey falkaas, isagoo Ciidamada amniga Galmudug amar ku siiyay in si deg deg ah ay soo qabtaan maleeshiyaadkii dilalka geystay.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo nabada iyo badbaada shacabka Galmudug isagoo sheegay in Talaabo laga qaadi doono dadkii falkaas foosha xun geystay.

Dhinaca kale, xildhibaano, siyaasiyiin, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Galmudug ayaa si kulul u cambaareeyey weerarka galabta ka dhacay tuulada Xirsi Lugey.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka bahalnimada ah ee galabta lagu xasuuqay dad Shacab ah Tuulada Xirsi Lugey ee hoostagta Degmada Balanbale. Intii dhimatay Allaha u naxariisto inta dhaawaca ahna Allaha u boogo dhayo, Waxaan ugu baaqayaa laamaha amniga inay gacan ku soo dhigaan dambiileyaashii falkaan geystay, cadaaladana la hor keeno. Dadka deegaankana waxaan ugu baaqayaa in ay isdejiyaan, waqtina la siiyo laamaha amniga” ayuu yiri Xildhibaan Mahad salaad oo ka tirsan baarlamanka Somalia ee uu xiligiisu dhamaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -