Guuldaro kale oo soo wajahay Xisbiga Jamhuuriga ee uu ka soo jeedo Trump

Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa ku guulaystay mid ka mid ah labada kursi ee Aqalka Senate-ka ee ka imanaya gobolka Georgia, halka tartanka kurisga labaadna ay labada musharrax si aad ah iskugu dhow yihiin.

Raphael Warnock ayaa warbaahinta Maraykanku sheegeen inuu ka guulaystay gabdha lagu magacaabo Kelly Loeffler oo ka tirsan Jamhuuriga, hase yeeshee Loeffler ma qiranin in laga badiyey.

Waxaa sidoo kale aad iskugu dhow David Purdue oo Jamhuuri ah iyo Jon Ossoff oo Dimoqraadi ah, waxaana 16 kun oo cod ku horreeya Ossoff.

Haddii Ossoff u ku guuleysto tartanka waxay ka dhigan tahay in Dimoqraadiga ay heli doonaan 50 ka mid ah 100-ka kursi ee Senate-ka marka lagu daro laba kursi oo ay kuwo madax-banaan balse la safan dimoqraadiga, halka Jamhuuriga ay heli doonaan 50 kale.

Maadaama madaxweynaha ku-xigeenka Mareykanka ay noqoneyso Kamala Harris oo dimoqraadi ah, waxay noqon doontaa codka kala saaraya isu dhiganka, taasi oo macnaheedu yahay in Dimoqraadiga ay la wareegi doonaan maamulka Aqalka Senate-ka, iyagoo horeyna u heystay aqalka Congresska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -