Lauren Boebert sheegtay inay bistoolad la tageyso Kongareeska Mareykanka iyo Dood ka..

Haweeney lagu magacaabo Lauren Boebert, oo dhawaan kamid noqotay Xildhibaanada cusub ee Koongareeska Mareykanka ayaa ka dhawaajisay hadal Warbaahinta iyo baraha bulshada ka abuuray hadal heyn badan.

Lauren Boebert, ayaa sheegtay in iyada oo xiran biskoolad ay tageyso xarunta Koongareeska Mareykanka, waxa ayna Haweeneydan baahisay muuqaal iyada biskoolad cabeesaneysa kadibna la dhax mareysa wadooyinka magaalada  Washington.

“Waxaan bistooladdeyda ku dhex qaadan doonaa magaalada Washigton DC iyo xarunta Kongareeska,” ayey tiri Xildhibaanadan oo Koongareeska kasoo gashay Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada looga adkaaday.

Taliyaha booliiska magaalada Washington ayaa Warbaahinta u sheegay in Lauren Boebert,kala hadli doono sharuucda adag ee u yaala hub heesashada iyo sidoo kale in wadooyinka hubka lala dhaxmaro.

“Haweeneydaas Kongareeska ka tirsan waxaa la marin doonaa isla ganaaxa la mariyo qof walba oo lagu qabto isagoo waddooyinka DC hub ku sita.” ayuu yiri taliyaha booliiska Washington DC Robert Contee.

Dastuurka dalka Mareykanka ayaa masuuliyiinta iyo dadka caadiga ahba u ogolaanaya in ay hub heestaan, hada waxaa jira shuruuc u degsan hub heesashada iyo sidoo kale in wadooyinka lala dhax maro.

Muuqaalka ay soo duubtay Haweeneydan katirsan Koongareeska Mareykanka ayaa hadal heyn badan ka abuuray Warbaahinta iyo baraha bulshada, waxaana Muuqaalkan daawaday malaayiin qof oo siyaabo kala duwan uga falceliyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -