Ciidanka Danab oo howlgal qorsheysan ku soo qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Guutada 16aad ee ciidanka Kumaandoska Somalia ee Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka  sameeyey degaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo ka tirsan gobolka Bay.

Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn & Yaq-Doomaar oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay ayaa ka mid ah degaanada ay ka dhaceen howlgalada.

Saraakiisha DANAB waxay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen.

“Howlgalka waxay sidoo kale ciidamadu ku soo qabteen Rag ka tirsan Al-Shabaab, Mootooyin ay isticmaali jireen iyo Agab Ciidan, kadib markii ay isaga baxeen degaannada howlgalada laga sameeyay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Danab oo la hadlay warbaahinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -