Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Mid ka mid ah Magaalooyinka Somalia oo laga mamnuucay Mooto bajaajka

Magaalada Baydhabo waxa maanta ka dhaqan galay go’aan boolisku ku mamnuucay muddo saddex maalmood ah in lagu dhex kaxeeyo magaalada mootada loo yaqaano Bajaajta.

Talaabadan ayaa saamayn weyn ku reebtay dhalinta ku shaqaysan jirtay Bajaajta iyo dadweynaha u isticmaali jiray inay hawlahooda maalinlaha ku soo qabsadaan.

Booliska ayaa sheegay in arrintan ay u sameeyeen ka dib markii ay heleen xog dhinaca ammaanka ah oo ku saabsan in loo isticmaali karo falal nabadgalyda ka dhan ah.

Baydhabo iyo tuuloyinka ku dhawdhaw waxa ka shaqeeya in ka badan kun mooto bajaaj ah waxayna boolisku ka fakarayaan in la yareeyo tirada mootooyinka ama la helo in qoloba maalmo cayiman ay shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askartii AMISOM looga dhaawacay dagaalkii Balcad oo la keenay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dad sabab yaab leh darteed gaajo ugu geeriyooday dalka Kenya iyo Booliska oo..

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo shirar ka dhan ah Jubbaland kawada Garbahaarey (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---