Saraakiil Booliis oo loo jaray Waaran soo qabasho ah iyo Dambiyada loo heesto oo la shaaciyay

Booliiska federaalka Itoobiya ayaa soo saaray waaran lagu soo qabanayo saraakiil katirsanaa ciidamada booliiska dalkaasi kuwaa oo lagu eedeeyay khiyaano qaran iyo xad gudubyo ka dhan ah xaquuqda aadanaha.

Saraakiishan waaranka loo jaray oo gaaraya 10-sargaal ayaa katirsanaa guddiga nabad galayada ee magaalada Adis Ababa , waxaana saraakiisha la sheegay in ay ka amar qaadayeen xisbiga TPLF ee katalinayay gobolka Tigrey.

Waxaa sidoo kale Saraakiishan  lagu Eedeeyay in si toos ah iyo si aan toos ahaynba uga qayb qaateen qorshooyinkii khatar ku ah nidaamka dastuurka & Amniga dalka Itoobiya iyagoo la saftay koox khatar amni ka shaqeeneysay.

Ciidamada booliiska ayaana baadi goob ugu jira saraakiishan waaranka loo jaray ee la baadi goobayo, waxaana socda howlgalo balaaran ay ciidamada ku raadinayaan saraakiishan iyo dad kale oo iyana waaran loo jaray.

Halkan ka Akhriso Magacyada saraakiisha waaranka loo jaray

1.Taliye Solomon Abrha Bisrat

2.Taliye Hailemariam Berhane G / Mariam

  1. Ku-xigeenka Kormeeraha Kibrom Gebru G / Egziabher
  2. Kuxigeenka Isbatooraha Aregawi G / Hiwot Asfaw
  3. Kaaliyaha Isbatooraha Geza’e G / Hiwot G / Silassie
  4. Kaaliyaha Isbatooraha Tesfa Kiros Gidey
  5. Kaaliyaha Kormeeraha Araya G / Anania Kidanu
  6. Kaaliyaha Isbatoore Solomon Wolay W / Abzgi
  7. Chief Sajin Hailay Woldu G / Mariam
  8. Chief Sajin Haftu Kahsay

 

- Advertisement -