Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray Magaalada Garoowe (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed oo sidoo kale ah musharax u taagan doorashada Somalia iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka ka degay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa ayaa garoonka dayuuradaha Garoowe ku soo dhoweeyay musharax Shariif.

Madaxweynihii hore ee dalka ayaa ku biiraya wufuud horey ugu sugneyd Magaalada Garoowe oo iskugu jira, Masuuliyiin ka tirsan DF, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, musharaxiin, madaxweynayaal hore iyo siyaasiyiin kale.

Dhamaan wufuudan ayaa lagu casuumay ka qeyb galka shir uu soo qaban-qaabiyey machadka Heritage, kaasoo looga hadlayo xaalada Somalia iyo xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/JvVPOMbvSIk

Related posts

Madaxda Maamul goboleedyada oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Garawe (Akhriso)

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka qayb galay furitanka Shir-madaxeedka J/Carabta

Caydiid Ali

Aaska weriye Shariin Abuu Aqel oo lala sugayo walaalkeed oo ka imanaya Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---