Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa goordhaw si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe.

Axmed Madoobe iyo wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Puntland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa u tagay magaalada Garawe ka qeyb galka shirka Madasha Aragti-Wadaagga ee ay soo qaban qaabisay Machadka Heritage, waxaa shirkan sidoo kale ka qeyb galaya madax katirsan DF , musharaxiinta iyo maamulada qaar.

Magaalada Garawe waxaa horey ugu sugnaa Qaar kamid ah musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Madaxweynaha Galmudug iyo siyaasiyiin kale oo lagu martiqaaday ka qeyb galka shirka beri ka furmaya Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wiilkii Gowracay Macalin u gefay Nabi Maxamed NNKH oo Shaqsiyadiisa la faah faahiyay

Cabdi Cade

Wasiiro ku xirnaa magaalada Hargeysa oo la sii daayay

Cabdi Cade

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somalia oo loo magacaabay Wasiir Goboleed (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---