R/W Kheyre oo fuliyay Balan qaadyo uu u sameeyay qaar kamid ah Xildhibaanada (Akhriso)

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa balan qaadyo kala duwan u sameeyay Xildhibaanada Golaha Shacabka intii ay socotay Mooshinkii Jawaari laga keenay iyo Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

Kheyre ayaa Xildhibaano dhoor ah ka balan qaaday in uu kusoo dari doono golihiisa Wasiirada hadii uu qorshahooda guuleesto, waxaana Xildhibaanadaasi olole xoogan u galeen sidii meesha looga saari lahaa Jawaari loona dooran lahaa Maxamed Mursal.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay dhameestiray Wasiiradii ka banaanaa Xukuumadiisa oo isugu jiray Lix Wasiir, Shan Wasiir  ku xigeen iyo Labo Wasiiru dowlo, waxaana Wasiiradan inta badan iska laheyd beesha Digil iyo Mirifle.

Wasiiradan uu xalay magacaabay Kheyre 12-kamid ah ayaa kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Wasiirka kaliya ee banaanka ka yimid uu noqday Daahir Maxamed Geelle oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Sacuudiga.

Sida aan xogta ku heleyno Xildhibaanadan Golaha Wasiirada kamid noqday ayaa kamid ahaa xubnihii ololaha u galay Ridistii Jawaari iyo Doorashadii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo ay gadaal ka riixeysay Xukuumada Somalia.

Ra’isul Wasaare Kheyre ayaana hada fuliyay balan qaadyadii uu u sameeyay qaarkood, waxaana wali laga sugayaa Ra’isul Wasaaraha in uu fuliyo balan qaadyo kale oo isugu jira xilal iyo mid maaliyadeed oo iyana u sameeyay Xildhibaano kale oo badan.

Wasiirada la magacaabay waxaa ku jira Cabdi Casiis Lafta gareyn oo kamid ahaa Musharaxiintii xilka Gudoomiyaha golaha Shacabka, waxaana musharaxan oo heestay codad badan ku taageeray Maxamed Mursal kadib balan qaad Wasiir oo loo sameeyay.

Waxaa sidoo kale Wasiirada kale ee la magaacabay ku jira C/fataax Maxamed Ibraahim Geesey oo kamid ahaa Xildhibaanadii sida weyn u taageersanaa Jawaari, hasa ahaatee Xildhibaan ayaa Xilka Wasiirnimo waxaa u dhameeyay Gudoomiyaha golaha shacabka si uu meesha uga saaro Xubnaha beeshiisa ee mucaaradsan siyaasadiisa.

Xildhibaano badan oo katirsan Golaha Shacabka ayaa iyagana ka sugaya Ra’isul Wasaare Kheyre in uu u fuliyo balamo uu la galay oo ku aadan in Safiiro la siinayo xubno ay wataan, Gudoomiyaal degmo iyo xilal kale oo muhiim ah.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa rumeesan in Ra’isul Wasaare Kheyre ku adkaan doonto fulinta balan qaadyadii uu sameeyay dhamaantood, waxa ayna rumeesan yihiin in ay jiri doonaan Xildhibaano albaabada laga soo xirto loogana baxo balamihii lala galay.

Abdirahman Xuseen Mamaan
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-UK
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -