Musharaxiin uu ka mid yahay Xasan Shiikh oo lagu soo dhoweeyey Garoowe (Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Guddoomiye Ku-xigeenka  koowaad ee Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari, Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aaden iyo Marti sharaf kale ayaa maanta gaaray magaalada Garowe.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo xubno ka tirsan maamulkiisa ayaa garoonka dayuuradaha Garowe ku soo dhoweeyey wafdigan.

Waxaa horey ugu sugnaa Garoowe wufuud kale oo ay ka mid yihiin musharaxiinta ka ah Daahir Geelle iyo Mustaf dhuxulow oo shalay halkaas gaaray, iyadoo sidoo kale Madaxweynaha Galmudug Qoor-qoor uu isna saaka ka degay Garowe.

Dhamaan wufuudan iyo wufuud kale oo saacadaha soo socda ku wajahan Garowe ayaa lagu casuumay ka qeyb galka dood uu soo qaban-qaabiyey machadka Heritage, taasoo looga hadlayo xaalada Somalia iyo xiliga kala guurka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -