Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Sahle Work oo Warqadaha aqoonsiga ka gudoontay danjiraha Somalia (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Ethiopia Sahle Work Zewde ayaa si rasmi ah warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoontay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa.

Munaasabad hab-maamuuskeedu sarreeyo oo ka dhacday aqalka Madaxtooyada Ethiopia ee Addis Ababa  ayaa lagu qaabilay Danjire Warfaa iyo qaar kamid ah Diplomaasiyiinta safaaradda.

Waxaa Madaxweyne Zewde iyo Danjire Warfaa oo wada yeeshay kulan muhiim ah ay isku afgarteen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Somalia iyo Itoobiya.

Dowlada Itoobiya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan askari oo qeyb ka ah ciidamada midowga Afrika ee taageeraya dowlada Soomaaliya kuwaasoo dagaal kula jira kooxda Al-shabaab.

Related posts

Tanziil Quran Online oo fursad qaaliya u haya qurbajoogta Soomaliyeed

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta Safarkii ugu horeeyay uga baxaya Muqdisho

Cabdi Cade

Wararkii u dambeeyey dagaalo ka qarxay gobolka Hiiraan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---