Maxaa ka jira in talaalka cusub ee COVID-19 lagu daray maado ka timid Doofaarka?

Iyadoo shirkadaha caalamka ay orod ugu jiraan inay soo saaraan tallaalka COVID-19, dalalkuna ku hardamayaan inay noqdaan kuwa ugu horreeya ee hela, ayaa waxaa soo baxaya su’aalo la xiriira haddii tallaalka qaarkiis uu ku jiro walxo ka yimid doofaarka.

Dufan loo yaqaan gelatin, oo ka timid doofaarka, ayaa inta badan lagu daraa tallaalada, si loo xasiliyo, loona xaqiijiyo bad-qabka iyo wax ku oolnimadooda marka la keydinayo ama loo dhoofinayo.

Shirkadaha qaar ayaa sanado badan horumarnayey tallaal aan lagu darin maadadaas, waxaana ka mid ah kuwa ku yaalla Switzerland, Saudi Arabia iyo Malaysia.

Hase yeeshee qiimaha badan eek u kacaya iyo muddo jiritaanka gaaban ee tallaalada aan laheyn gelatin-ka doofaarka, ayaa ka dhigi karta in inta badan tallaallada lagu daro, sida uu sheegay Dr. Salman Waqar oo ah xoghayaha guud ee ururka Dhqaatriirta Muslimiinta ah ee UK.

Afhayeeno u hadlay shirkadaha Pfizer, Moderna iyo AstraZeneca ayaa sheegay in tallaallkooda COVID-19 uusan ku jirin wax doofaar ah. Warkan ayaa ah mid wanaagsan maadaama saddexdan shirkad ay yihiin kuwa ugu caansan ee illaa hadda soo saaray tallaalka COVID-19.

Hase yeeshee tallaalka la heli karo oo aad u yar iyo heshiisyo horey u jiray ayaa ka dhigi kara in dalalka Islaamka, sida Indonesia ay helaan tallaalka kahor inta si rasmi ah loo xaqiijin iny ka maran yahay yihiin gelatin-ka.

Arrintan ayaa jahwareer gelineysa bulshooyinka diinta ku adag sida Muslimiinta iyo Yahuudda, oo ay xaaraan tahay in la isticmaalo doofaarka iyo walxaha ay ku jiraan maadooyinka ka yimid.

Islaamka ayaa sidoo kale ku kala duwan arrintan, waxaana culimada qara dooddooda ay tahay in tallaalka la adeegsan karo, sababtoo ah “waxyeelo ka weyn” ayaa dhici karta haddii aan la qaadan, sida uu sheegay Dr. Harunor Rashid oo wax ka dhiga Jaamacadda Sydney.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -