Laami Cusub oo laga dhisay Muqdisho oo maanta xariga laga jaray (Daawo Sawirada)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta Xariga ka jaray Wadada Jeneraal Daa’uud ee xiriirsa Isgoyska Siinaay iyo Boondhere kalana barta Degmooyinka Warta Nabadda iyo Boondheere .
 
Wadadaan ayaa sanadihii lasoo dhaafay aheyd mid aad u bur-bursaned, waxaana maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya shacabka degan degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ku guuleesteen dib loo dhiso.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Md. Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarig jarka kadib shacabka labada Degmo kula dar-daarmay in ay ilaashadaan kana shaqeeyaan bilicda wadadan dib loo dhisay.
 
Guddoomiyeyaasha Warta Nabadda iyo Boondheere oo munaasabada xarig jarka ka hadlay ayaa ugu Mahadceliyay Duqa Muqdisho ka dhabeynta balanqaadkiisa ahaa dhismaha wadadaan, iyagoona dhankooda balan-qaaday in ay ka shaqeyn doonaan Bilicda wadada
 

                                                                                                                              Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -