Magaalo dhacda cirifka waqooyi ee wadanka Baakistaan ayaa waxaa si kedis ah ugu dhuftay fatahaad & daadad aan nooceeda horay loo arkin ka dib roobab xoogan oo halkaas ka da’ay
Biyihii faraha badnaa waxaa ku go’doomay si lama filaan ah dad iska dalxiisayey oo jawi qurux badan iskaga jiray,
Biyaha ayaa hareeraha ka maray, weyna soo xoogeysteen biyihii, taasoo u suuragelin weysay iney halkaas ka baxaan
Dadka tiradoodu waxay gaareysay 19 qofood ayaa dhintay markii ay biyuhu la tageen
12 ka mid ah waxay ahaayeen hal qoys oo ka koobnaa waalidiin, caruur iyo dad kale oo ehelo la ah. Sidey biyuhu kolba qof ula tagayeen, ayey dhamaantood halkaas ku baxeen, warbaahinta caalamka ayaa baahineysa muuqaalo laga duubay dadkaas, waxaana suurageli waayey dedaalo lagu badbaadin rabay cimilada oo aad u xumeyd awgeed.