Al Shabaab oo gacanta ku dhigtay Masuul katirsan dowlada Kenya kadib weerar ay …

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weeraro qorsheesan ku qaaday deegaano katirsan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxa ayna Al Shabaab beegsadeen goobo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada Kenya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalyahanadooda weerar ku qaadeen deegaano iyo tuulooyin hoostaga magaalooyinka Mandheera iyo Wajeer ay gacanta ku hayeen ciidamada Kenya.

Al Shabaab ayaana weerar ku qaaday tuulada Gummaarey ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Booliiska Kenya, Al Shabaab ayaana sheegtay in tuuladaasi la wareegeen markii ciidamada Kenya isaga carareen.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaana lagu sheegay in nolosha ku qabteen lana tageen Gudoomiyihii tuulada Gummaarey , Al Shabaab ayaa sidoo kale goob isugu keenay kadibna la hadlay dadka tuuladaasi ku sugan.

Kooxda Al Shabaab ayaa sidoo kale weeraro kale ay ku qaadeen deegaano hoostaga magaalooyinka Wajeer iyo Mandheera ku gubay xarumo ay leedahay Shirkada Isgaarsiinta ee Safaricom.

Ciidamada Kenya ayaa awoodi la’ in ay joojiyaan weerarada gudaha dalkaasi ka fuliyaan dagaalyahanada Al Shabaab, waxaana marar badan Al Shabaab weeraro khasaaro badan dhaliyay ka fuliyeen gudaha Kenya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -