Allbanaadir.com
NEWS

Soomaaliya oo Qodobo adag hor dhigeysa Shirka Ururka IGAD ee Maanta furmaya 

Waxaa maanta oo axad ah lagu wadaa in magaalada Jabuuti ka furmo shir madaxdeeda 38-aad ee UruR Goboleedka IGAD, shirkan ayaana inta uu socdo looga doodi doonaa xaaladaha gobolka .

Shirka ay isugu imaanayaan madaxda Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa gudoominaya Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdouk oo ah Guddoomiyaha IGAD, waxaama shirka la gudoomin doona Madaxweynaha Jabuuti oo dalkiisu marti galinayo shirkan.

Shirka Urur Goboleedka IGAD ayaa diirada lagu saari doonaa xaalada gobolka Tigrey oo dagaalo xoogan ka dhaceen iyo sidoo kale khilaafka siyaasadeed ee xiligan u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaana shirkaasi la tagi doono qodobo xasaasi ah oo ku aadan faragalinta qaawan ee dowlada Kenya ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo ayaana Madaxda dalalka IGAD hor dhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ilaalinta Madaxbannaanida waddamada ku mideysan IGAD, daris wanaagga, xasilloonida iyo nabadda Gobolka Geeska Afrika.

Dowlada Soomaaliya ayaa horey dacwad ka dhan ah dowlada Kenya ugu gudbisay Urur goboleedka IGAD, dacwadaasi ayaana la filayaa in qeyb ka noqodaan qodObada looga hadlayo shirka IGAD u furmaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

C/kariin Guuleed: “Waa nasiib daro in Farmaajo uu masiirkii ummada u xanibay hal gobol”

Caydiid Ali

Gabar Muslim ah oo Xijaab ay Wadatay Maqas looga jaray iyo R/W Justin oo ka hadlay (Daawo Sawirro)

admin

Dowladda oo ku guuleesatay in xabsiyada Hindiya laga soo daayo Soomaali ku xirneed(Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---