Dowlada Soomaaliya oo Baaq Deg deg ah kasoo saartay Isu imaatinka dadka badan

Wasaarada Amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya ayaa ku baaqday in la joojiyo isu imaatinka shacabka badan la isugu keeno, si looga fogaado xaalad amaan daro oo goobahaasi ka dhici kara.

Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in aan la damaanad qaadi karin in shacab badan la isugu keeno goob, waxa uuna xusay in ay ka dhalan karaan isu imaatinka qataro amni.

Waxa uu sheegay Wasiirka in xiligan lagu jiro xaalad xasaasi ah, waxa uuna ku baaqay in Warbaahinta lagala hadlo loona gudbiyo fariimaha badalkii xiligan shacab badan oo amaankooda aan la damaanad qaadi karin goob la isugu keeni lahaa.

Wasiirka Amniga ayaana sheegay in xaalad amni ka dhalan karto in dad badan la isugu keeno goob, waxa uuna Wasiirka tusaale usoo qaatay qaraxii khasaaraha badan dhaliyay ee Jimcihii ka dhacay goob la doonayay in lagu soo dhaweeyo Ra’isul Wasaare Rooble.

ā€œBulshada Soomaaliyeed gaar ahaan masā€™uuliyiinta waxa aan u jeedinayaa in la joojiyo isu keenka Dadka si looga badbaadiyo naftii halige iyo qar iska tuur lagu dhibaateeyo, iyada oo amniga laga fikirayo oo aan la diidaneen isu imaad & in la kulmo in la joojiyo kulamada, haddii aan la hureyn la geeyo meelo ammaankooda la sugay, Duruufaha Amni & xaaladda dalka uu ku jiro iyada oo la dhaqangelinayo waxaa habboon in shacabka meeshii kulan la isugu keeni lahaa Warbaahinta in la gala hadlo oo codka lagu gaarsiiyo” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Baaqan kasoo yeeray Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili lagu jiro waqti doorasho ayna inta badan Musharaxiinta doonayaan in ay sameeyaan olole doorasho iyo isu imaatin bulsho si awoodooda iyo taageeradooda u muujiyaan.

Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā Ā  Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -