Qorshe lagu soo xiri rabay Saraakiil dagaal xoogan ku dhax maray Muqdisho oo fashilmay

Dowlada Soomaaliya ayaa amar ku bixisay in lasoo xiro saraakiil katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo shalay dagaal dhiig badan ku daateen uu ku dhax maray Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Taliska Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay u yeereen saraakiishan dagaalka ku dhax maray degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis, hasa ahaatee saraakiisha ayaa diiday u yeerida iyaga oo ka cabsi qabay in la xiro.

Sida aan wararka ku helnay saraakiishan ku dagaalamay Kaaraan oo isugu jira Milatari iyo Minishiibiyo ayaa dhagaha ka fureestay in ay qaataan amarka saraakiisha ka sareysa, waxa ayna sii galeen difaac si aan awood loogu adeegsaday qabashadooda.

Ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya ayaa xalay lagu arkay qeybo kmaid ah degmada Kaaraan, ciidamadan ayaana la sheegay in ujeedkoodu ahaa in ay soo xiraan saraakiisha dagaalantay iyo ciidanka ay wataan balse qorshahaasi uu fashilmay.

Saraakiisha dagaalantay iyo ciidankii ay wateen ayaa markii ay ogaadeen in la baadi goobayo banaanka uga baxay degmada Kaaraan, waxaana fashilmay qorshihii saraakiishaasi lagu soo xiri rabay.

Sida aan xogta ku helnay saraakiisha dagaalantay ee la baadi goobayo ayaa waxaa kamid ah Cusmaan Xaadoole iyo Masdile oo isku dhinac ah, iyo Abuukar Boonow iyo Joorre oo iyagana isku dhinac ah.

Dagaalkii shalay degmooyinka Kaaraan iyo Cabdicasiis ku dhax maray ciidamo ay kala wateen saraakiishan ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 10-qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, waxa ayna saraakiishan isku hayaan dhul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -