Aas Qaran oo loo sameeyay Saraakiishii lagu laayay Gaalkacyo (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee maamulka Galmudug Aas Qaran loogu sameeyay Saraakiishii shalay lagu laayay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay garoonka Cabdullaahi Ciise ee kuyaala magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ,Madaxweynaha Galmudug , Taliyaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliis iyo masuuliyiin kala duwan ayaa ka qeyb galay aas qaran ee loo sameeyey saraakiishii  qaraxa lagu laayay.

Madaxda iyo dadkii kala duwanaa ee ka qeyb galay Aaska Qaran ee saraakiisha loogu sameeyay magaalada Gaalkacyo ayaa wajiyadooda laga dheehan karay sida ay uga murugeesnaayeen geerida saraakiisha hal doorka u ahaa ciidamada milatariga.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa lagu dilay saraakiil ay kamid ahaayeen Taliyihii qeybta 21-aad ee ciidanka milatariga iyo Taliyihii ciidamada Danab qeybta Gaalkacyo . Hoos Ka Daawo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -