Dowlada Soomaaliya oo Digniin adag u dirtay Kenya xili abaabul dagaal uu ka socdo magaalada…

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya ka bilowday magaalada Mandheera in ay hubeeso jabhad iyo maleeshiyaad si ay duulaan ugu qaadaan magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Dowlada Soomaaliya ayaana uga digtay dowlada Kenya falalka guracan ay kawado magaalada Mandheera, waxa ayna mar kale dowlada Soomaaliya ku celisay in Kenya ka fiirsato faragalinta ay ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya

Halkan ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Dowlada Soomaaliya

Dowldda Federaalka Soomaaliya waxay si dhaw ula socotaa abaabulka militari ee ay Dowladda Kenya maalmahan ka waddo aagga Mandera iyada oo hubeynaysa jabhad ay si sharci darro ah dalkeeda ugu martigelisay si xasillooni darro looga abuuro gudaha Soomaaliya.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogaatay in Ciidamada Kenya ay hub iyo maleeshiyaad kusoo daad gureysay magaalada Mandera si duullaan loogu soo qaado magaalada Beled Xaawo iyo saldhigyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas ku yaalla.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay uga digeysaa Dowladda Kenya ficillada gurracan ee ay ku wiiqayso nabadgalyada guud ee Gobolka Geeska Afrika, waxayna mar kale ku celinaysaa in ay Kenya ka fiirsato faragelinta qaawan ee ay ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya oo ay ka dhalan karto xasillooni darro saameyn ku yeelata amniga Gobolka.
 
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaadeysaa tallaabo kasta oo ay ku xaqiijinayso madaxbannaanideeda siyaasadeed, wadajirkeeda dhuleed iyo ilaalinta sharafka iyo karaamada shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -