Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Emmanuel Macron oo laga helay cudurka Coronavirus

Faransiiska ayaa sheegay in Madaxweyne Emmanuel Macron oo baaritaan lagu sameeyey lagu ogaaday inuu ku dhacay xanuunka Coronavirus.

“Madaxweynaha ayaa laga helay cudurka COVID-19 maanta,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay madaxtooyada.

Warka ayaa sidoo kale intaas ku daray in Macron la baaray kadib markii laga dareemay billowga astaamaha ugu horreeya.

Dawladdu waxay sheegtay in Macron uu is go’doomin doono muddo 7 maalmood ah, iyadoo la raacayo qawaaniinta u degsan dalka, isla markaana uu shaqada iyo howlaha sii wadi doona isagoo aan xafiis tagin.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa ku biiray liiska madaxda dawladaha iyo dalalka adduunka ee uu ku dhacay COVID-19, oo ay ku jiraan ra’iisal wasaaraha Britain Boris Johnson iyo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
   

Related posts

Fiqi oo fal bahdilaad ah kula kacay Baasaboorka Soomaaliga

Caydiid Ali

Dayuuradii u horeysay oo ka degtay Mid ka mid ah degmooyinka ay go’doomisay Al-Shabaab (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo tagaya Garoowe iyo Isbaheysi cusub oo la dhisayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---