Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiisad ka taagan xadka Soomaaliya & Kenya iyo DF oo Ciidamo badan dhoobtay

Sida uu shaaciyay Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa dalka Kenya, Xiisad ayaa ka taagan xadka Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan Mandhera kaddib markii Belad-xaawo la keenay ciidamada dowladda Soomaaliya,

Arrintan ayaa ku soo beegantay saacado kaddib markii dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday inay xiriirkii diblomaasiyadeed u jartay Kenya, ayna ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta reer Kenya inay Soomaaliya uga baxaan muddo 7 maalmood ah gudahood.

Qaar ka mid ah dadka degaanka oo uu soo xigtay Wargeyska Daily Nation ayaa sheegay inay arkeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka wada goobo muhiim ah oo ku yaalla xadka u dhaxeeya labada waddan.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada amaanka Kenya ee ku sugan Mandhera ayaa xaqiijiyay in ciidamada Soomaaliya ay xuduudka yimaadeen ayna halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaq milateri oo aan caadi aheyn.

Dadka ku nool degmada Mandhera ee xadka dhinaca Kenya ayaa la sheeay iney bilaabeen barakac, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalo ay ka qarxaan xadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shacab careysan oo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay in uu is casilo

Cabdi Cade

Dal ansixiyey dawo cusub oo dadka ka caawin karta cudurka COVID-19

Caydiid Ali

Hormuud Salaam oo deeq gaarsiisay Isbitaalka Laansareeti iyo 200 oo haween danyar ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---