Gudoomiye Mursal oo kahor yimid Doorasho Dadban weerar afka ahna ku qaaday kuxigeenkiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo maanta hadal ka jeediyay fadhiga Xildhibaanada golaha shacabka ayaa si weyn uga horyimid in la qabto doorasho dadban xili waqtiga u haray dowlada bilooyin kaharsan yihiin.

Waxa uu sheegay Gudoomiye Mursan in aysan aqbaleyn in dalka ka dhacdo doorasho dadban, waxa uuna xusay wixii shuruuc ee doorasho lagu aadayo uu Baarlamaanka xaq u leeyahay go’aan ka gaaristiisa.

Gudoomiye Mursal oo u muuqday mid kasoo horjeeda go’aanadii kasoo baxay shirkii Madaxda maamul goboleedyada ku yeesheen Dhuusomareeb ayaa cadeeyay in dowlad goboleedyada aysan laheyn go’aanka doorashada dhaceysa iyo nuuca ay noqoneyso.

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Guddoomiye kuxigeenka 2aad Mahad Cawad oo safar ku tagay magaalada Dhuusomareeb, waxa uuna xusay ay ku noqotay wax lala fajaco tagitaanka Dhuusomareen Mahad Cawad.

Waxa uuna cadeeyay Gudoomiyaha golaha Shacabka in Mahad Cawad uusan ku matalin Baarlamaanka tagitaankiisa magaalada Dhuusomareeb isagoona xusay in danihiisa gaarka ah halkaasi u tagay.

Hadalkan kasoo baxay Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa u muuqda mid looga soo horjeedo war murtiyeedkii kasoo baxay Madaxda maamul goboleedyada oo ku aadanaa in doorasho lagu qabto xilig

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -