Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo u Ambo baxay Nairobi kadib Casuumad uu ka helay Madaxweynaha Kenya

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ugu ambo baxay dalka Kenya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen madaxweynaha dalkaas Mr. Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo  ayaa ka hor intii aanay Hargeysa ka dhoofin waxa ujeeddada safarka warbaahinta u faahfaahiyey afhayeenka madaxweynaha  Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,

“Safarkani waxa uu daarran yahay sidii loo xoojin lahaa, loona dardargelin lahaa xidhiidhka Diblomaasiyasadeed iyo midka wada-shaqayneed ee inaga dhexeeya waddanka Kenya, muddada ay weftigu dalkaas ku sugan yihiinna waxa ay kulamo la qaadan doonaan Madaxweynaha waddanka Kiiniya.”

Xubnaha weftiga ee madaxweynaha ku wehelinaya socdaalkiisa oo ka tirsan golaha wasiirrada, ayaa waxa kamid ahaa, Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah  Arrimaha gudaha iyo Wasiiro kale.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo ciidamo dheeri ah geystay garoonka Kismaayo

Caydiid Ali

Xildhibaanad dhowr mar alaab ka xaday Dukaan oo is casishay raali-gelina bixisay

Cabdi Cade

Wareegto ka soo baxday xafiiska C/weli Gaas oo xilal cusub lagu magacaabay (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---