Digniin laga bixiyay Weerar culus oo ay qorsheeyeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab

Booliiska dalka Kenya ayaa soo saaray digniin ku aadan weeraro laga yaabo in gudaha dalka Kenya ka fuliyaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo la tilmaamay in ay kasoo gudbeen xadka Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan.

War kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo lagu qiyaasay 40-nin kasoo gudbeen xadka Soomaaliya, waxaana la sheegay in xubnahan doonayaan in weeraro ka geestaan deegaanada Amuma & Hemey oo katirsan Gaarisa.

Booliiska ayaana ku wargaliyay shacabka in ay taxadar muujiyaan ayna soo wargaliyaan booliiska hadii ay dareemaan khatar, waxaana booliiska xuseen in ay socdaan baadi goob loogu jiro dagaalyahanada xadka kasoo gudbay ee weerarka qorsheenaya.

Ciidamada Kenya ee ku sugan xadka iyo deegaano hoostaga magaalada Gaarisa ayaa la galiyay heegan si ay uga hortagaan weerarka laga cabsi qabo in Al Shabaab ka fulinayaan deegaano hoostaga ismaamulka Gaarisa .

Al Shabaab ayaa weeraro badan ka fulisay gudaha dalka Kenya, waxaana weeraradan oo khasaaro kala duwan kasoo gaaray ciidamada iyo dad shacab ah dowlada Kenya ku guul sareesatay in ay ka hortagto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -