Doorashada Shan kursi oo kamid noqonaya golaha Shacabka oo maanta la dooranayo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur Galbeed ka dhacdo doorashada shan kursi oo kamid noqonaya kuraasta golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Koonfur Galbeed ayaa soo gabagabeeyay diiwaangelinta musharaxiinta shanta kursi iyo sidoo kale diiwaangelinta ergada iyo odayaasha kuraastan soo dooranaya.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Doorashooyinka Dadban SEIT Koofur Gableed (GHDDKGS) Yuusuf Cabduqaadir Maxamed, in maanta qabanayaan doorashada shan kursi dhawaana qaban doonaan doorashada lix kursi oo kale.

“Koofur Galbeed waxaa ka go’an qabashada iyo dardargelinta Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, 19ka Janaayo 2022 waxa aan qabaneynaa doorashada 5 kursi maalinta xigtana waxa aan shaacineynaa habraaca 6 kale” ayuu yiri Guddoomie Yuusuf

Shanta kursi ee maanta la dooranayo ayaa ah

HOP#184: Kursigaan waxaa 4tii sano lasoo dhaafay ku fadhiyay Xasan Cabdinuur Cabdi oo markale musharax u ah u tartamidda kursigaan.

HOP#085: Shariif Maxamed Cabdalla Xuseen oo Koofur Galbeed ku metalay Baarlamaanka 10aad ayaa markale shahaado musharaxnimo u qaatay.

HOP#046: Rabaco Sheekh Nuur ayaa ku fadhisay kursigaan Baarlamaanka 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

HOP#156: Cali Cabdi Cismaan ayaa Koofur Galbeed kursigaan ku metalay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

HOP#176: Maxamed Mursal Maxamuud Boorow ayaa wakiil Xildhibaan Koofur Galbeed uga ahaa Baarlamaankii 10aad ee Soomaaliya, markale ayuu u taagan yahay xilkaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -