Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DF oo amaro culus ku soo rogtay Muwaadiniinta Kenya ee booqanaya Somalia (Akhriso)

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa soo saartay amaro Muhiim ah oo khuseysa socdaalka muwaadiniinta Kenyanka ee doonaya inay u soo safraan Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya in laga bilaabo 13-ka Disembar dadka ku safraya baasaboorka Kenya ah ee soo galaya dalka looga baahan yahay dal ku gal ama fiiso iney ka soo qaataan safaarada Somalia ee Nairobi.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in Muwaadiniinta Kenyanka ah ee heysta baasaboorka Diblomaasiga looga baahan yahay iney ogolaanshaha Wasaarada arrimaha dibeda ee Somalia, ka hor inta aysan dalka soo gelin.

“Wargelintaan ma saameyneyso muwaadiniinta Kenyaanka ah ee heysta Degenaashiyaha” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa xili uusan fiicneyn xiriirka labada dowladood ee Somalia iyo Kenya ka dib markii dhowaan DF ay ceyrisay danjirihii Kenya, ayna dalkaas kala soo baxday danjirihii ka fadhiyey iyadoo ku eedeysay Kenya iney fara gelin ku heyso arrimaha Somalia.

Hoos ka akhriso qoraalka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil Argagax leh oo goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Cabdi Cade

(Sawirro) RW Khayre oo kulan xasaasi ah la qaatay Wasiiro iyo taliyeyaal ciidan

Caydiid Ali

Weerar dad badan lagu dilay oo goor dhow ka dhacay duleedka Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---