R/Wasaare Rooble oo ka hadlay sida ay u dhaceyso Doorashada Muranka ka taagan yahay

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo furay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan howllaha hortebinta u leh ee ay ugu horreeyaan Amniga, Nabadda, Dhaqaalaha,Xaqiijinta Doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo dhammeystirka Qorshaha dib u eegista Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in mudnaanta koowaad siinayaan hirgelinta barnaamijka Xukumadda ee saldhigga u ah qabsoomidda Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo waafaqsan heshiiskii Samareeb iyo Muqdisho ee ay horay u gaareen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka loo qorsheeyey ee 30%.

“Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ku saabsanaa doorasho dadban, waxa uu ahaa heshiis siyaasadeed oo dhowraya qoondada haweenka ee 30% , isla markaana hagaya hirgalinta doorashooyinka soo socda”.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay in horumar laga gaaray dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo dayn cafinta, haddana uu meel wanaagsan marayo, inkastoo dhaqaalaha dalka oo nugul ay saameyn ballaaran ku yeesheen caabuqa Karoonaha, ayax burburiyey daligii beeraha iyo duufaanta Gati.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay dib-u-habeynta amniga, dhismaha ciidanka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo xoreynta goobaha ay ku sugan yihiin, dib-u-soo celinta noloshada bulshada ku barakacay colaadaha argagixisada iyo u diyaarinta ciidanka qaranka sidii ay amniga guud ugala wareegi lahaayeen AMISOM.

Si loo xoojiyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya ayuu sheegay Ra’iisul Wasaaruhu inuu booqashooyin ku tageyo dowlad gobolleedyada dalka, taasoo ujeedku yahay sidii Soomaaliya horumarkeeda wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa.

Shirkan oo goob-joog ka ahaayeen Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka, Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo Khadka Internetka uga qeyb-galay , Duqa Muqdisho iyo Wakiillo ka Socda Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah la iskula gartay dardargelinta barnaamijyada saldhigga dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -