Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani

Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Khadka Telfoonka kula hadlay  Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani, waxa ayna labada masuul kawada hadleyn arimo badan oo muhiim ah.

Farmaajo iyo Amiirka Qatar ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo Xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, sida diyaar garowga doorashada iyo halka ay marayaan mashaariicda dowlada Qatar ka fulineyso gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahad celiyay Amiirka Qatar taageerada dowladiisa  ay siiso Soomaaliya, waxa uuna sheegay Madaxweyne Farmaajo in Qatar ka rajeenayaan taageero iyo kaalmooyin kale oo wax ku ool ah.

Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiin Bin Xamad Al-Thaani ayaa dhankiisa balan qaaday  in ay sii balaarin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan ay siiyaan Soomaaliya, isla markaana ay xoojin doonaan xirirka labada dal.

Qatar ayaa kamid ah dowladha sida weyn u taageera dowlada Soomaaliya, waxaana Qatar kaalin weyn ku laheyd in Soomaaliya Madaxweyne ka noqdo Farmaajo iyadoona mar kale dooneysa in Soomaaliya sii hogaamiyo Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy oo War cusub kasoo saaray Ciidamo ka socda Sudan Iyo Eritrea oo jooga gudaha Itoobiya

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Raisul wasaaraha Somalia iyo Danjire James Swan?

Caydiid Ali

MadaxweynIhii hore ee Somalia oo loo doortay Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---