Maxbuus ku dhax geeriyooday Xabsiga Dhaxe ee Xamar kadib markii la Ciqaabay

Wararka aan ka heleyno Xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaa sheegaya in gudaha xabsigaasi ku dhax  geeriyooday nin dhalinaro ah oo kamid ahaa Maxaabiista Xabsigaasi ku xirneyd mudo dhoor sano ah.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya geerida ninkan oo lagu magacaabayay Xasan Maxamuud Xasan oo xabsiga dhaxe ku xirnaa kadib markii Maxkamad ku riday 7 sano oo xabsi ah.

Ninka geeriyooday iyo nin kale ayaa la sheegay in  dagaalameen kadib markii isku maan dhaafeen ciyaar xabsiga ku dhax ciyaarayeen, waxaana la sheegay in ciidanka xabsiga joogay ciqaab ahaan wiilkan ugu xireen Koonteenar uuna ku neef qabin toobay .

Warar kale oo soo baxaya oo laga soo xigtay saraakiil katirsan ciidanka Asluubta ee ku sufan  xabsiga Dhaxe ayaa ku waramay in marxuunka u geeriyooday dhibaato kasoo gaartay dagaalka uu ninka kale la galay.

Wararka Xabsiga laga helayo ayaa sheegaya in wiilkaasi u dhintay neefta oo ku dhagtay kadib markii lagu xiray Kunteenarka. ehelada marxuunka ayaana sheegay in wiilkooda kunteenarka ku dhintay kuna dhagtay neefta.

Saraakiisha xabsiga Dhaxe ee Xamar ayaan wali ka hadlin geerida wiilkan xabsiga ku xirnaa , waxaana saraakiisha qaar sheegeen in ay socdaan baaritaano kana war sugayaan natiijada kasoo baxda.

Ninkan Xabsiga ku dhax geeriyooday ayaa lasoo xiray sanadkii 2014-kii waxaana lagu helay in uu katirsanaa Al Shabaab, Maxkamad ayaana ku riday dhoor sano oo xabsi ah uu ku qaadanayay xabsiga dhaxe ee Xamar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -