Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Diyaarada Air Jabuuti oo shil ku gashay garoonka Diyaaradaha magaalada Garawe

Diyaarad ee leedahay Shirkada Air Jabuuti ayaa lagu soo waramayaa in ay shil ku gashay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe ee caasimada Puntland, xili diyaarada oo rakaab siday ay halkaasi ka dageysay.

Sida aan wararka ku helnay diyaarada ayaa shil gashay xili ay garoonka diyaaradaha Garawe ku dageysay, waxa ayna diyaarada dhulka ku dhufsatay qeybta dambe ee diyaarada oo waxyeelo soo gaartay.

Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay shilkan diyaaradeed ee saakay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe, waxaana rakaabkii saarnaa diyaarada looga soo dejiyay si caadi ah.

Maamulka Puntland iyo shirkada diyaaradaha Jabuuti Air ayaan wax faah faahin ah ka bixin shilkan saakay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Garawe iyo sababta keentay, waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan faah faahin laga bixiyo shilkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi la socday oo si weyn loogu soo dhaweeyay Nairobi (Sawirro)

Cabdi Cade

Xiliga codka kalsoonida loo qaadayo Golaha Wasiirada cusub oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Cabdirashiid Janan oo dalka Dibadiisa lagu arkay iyo Wasiir katirsan Dowlada oo la socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---