Dowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Nairobi noqotay meel looga soo duulo dalka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cismaan Dubbe ayaa ka hadlay go’aankii dowladda Soomaaliya ay dalka uga saartay safiirkii Kenya, sidoo kalena ay wadatashi ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee Kenya, isaga oo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Kenya.

Wasiirka oo Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababata keentay Go’aanka ka dhanka ah Kenya ay tahay in Kenya aysan ilaalineyn derisnimadeena, sidoo kale ay ka muuqdaan qorshooyin riyo maalmeed ah iyo damac ay ku dooneyso dhulka & Badda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka ayaa soo qaatay dhowr qodob oo uu ku eedeynayo dowladda Kenya iyo in labada dowladood ay yihiin kuwo ka dhaxeeya dano waaweyn balse kaliya aysan aheyn in Soomaaliya kaliya ay leedahay dan gaar ah, waxaana kamid ah qodobada uu ku eedeeyay.

1: In Kenya ay dooratay inay u Shaqeyso sida rajiimkii Tigreega, isla markaana Ciidamada Kenya ee ka Tirsan AMISOM ay degaano dhowr ah ka baxeen, iyada aan kala tashi kala sameyn dowladda, sida degaannada Buusaar iyo Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

2: In Kenya ay faragelin joogto ah ku heyso Madaxda Maamulka Jubbaland kuna qasabto arrimo ka dhan ah danta iyo wadajirka Ummada Soomaaliyeed.

3: in dowladda Kenya ay safarka ku dhibaan Shacabka Soomaaliyeed ee Gobolada ka safra oo ay ku qasbaan baaris dheeraad ah iyo inay maraan Magaalada Wajeer.

4: In Kenya aysan daneyn dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gudaha dalkaas,  sidoo kale ay marti geliso dad aan ka Shaqeyneyn danta Soomaaliya.

5: In dowladda Kenya ay had iyo jeer ay burburiyaan Shirkadaha Ganacsiga dalkeena, iyaga oo burburiya Xarumaha Shirkadaha Isgaarsiinta sida Hormuud iyo Somtel.

6: In Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay noqotay meel looga soo duulo Soomaaliya sidoo kalena lagala noqdo heshiisyada lagu gaaro gudaha Soomaaliya lagana soo abaabulo rabashadaha siyaasadeed ee la rabo in lagu carqaladeeyo dowladnimada dhismeysa ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Dubbe ayaa si cad u sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ku deg degin go’aanka ay ka qaadatay Kenya, balse Dowladda Kenya ay tallaabadaan oo kale qaaday 16-kii Bishii febaraayo sanadkii 2019-kii, hayeeshee dowladda Soomaaliya ay mar kasta muujineysay biseel Siyaasadeed.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wasiirka in Soomaaliya xilligaan aheyn Soomaalida burbursaneyd balse ay tahay mid cod ku leh fagaarayaasha Caalamka una taagan ilaalinta sharafta dalka.

Go;aankii dowladda Soomaaliya ay dalka uga saartay safiirkii Kenya, sidoo kalena ay wadatashi ugu yeertay safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa siweyn uga soo horjeestay Midowga musharixiinta & siyaasiyiinta mucaaradka intaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -