Dhaqtar caan ah oo caawa lagu dilay Kismaayo & faahfaahino ka soo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa magaalada Kismaayo ku dilay dhaqtar caan ah oo la oran jiray Dr. Yuusuf Axmed (Yuusuf yare).

Dableyda fulisay ayaa dhaqtarka ugu galay xaruntiisa Caafimaad oo ku taalla xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo halkaasoo ay ka dibna ku dhex dileen sida dad goob joogayaal ah warbaahinta u sheegeen.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada amaanka Maamulka Jubbaland ay dilka ka dib halkaas gaareen, iyagoo wada howgalo baaritaan ah oo lagu raadinayo raggii fuliyey oo goor horeba baxsaday.

Lama oga sababta loo dilay dhaqtarkan iyo cida ka dambeysay, iyadoo shacabka magaalada Kismaayo ay si weyn uga xumaadeen dhaqtarkan oo caan ka ahaa halkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -