Agaasinka Waxbarashada G/Banaadir oo lugaha la galay Musuq & eedeymo heysto

Madaxa agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Tooxow

Dhalinyaro ka baxday Jaamacadaha dalka oo dhowr bilood ka hor ku guuleystay iney xareeyaan Data-da ama Xogta Dugsiyada hoose, dhexe iyo Sare ee magaalada Muqdisho ayaa eedeeymo culus u jeediyey agaasinka Waxbarashada gobolka Banaadir.

Kooxdan dhalinyarada ah oo ka kooban 20 xubnood oo laga soo xushay imtixaan dhalinyaro fara badan 6 bilood ka hor laga qaaday ayaa agaasinka Waxbarashada gobolka waxaa uu u xilsaaray iney soo xareeyaan xogta iyo tirada ardayda dugsiyada gobolka Banaadir.

“Agaasinka Waxbarashadu kulamo badan ayuu nala qaatay, tababarna waa nala siiyey, waxaa uu inoo sheegay in howshan haddii aan ku guuleysano naloo qaadan doono shaqaalaha ugu horeeya ee ay qaadan doonaan” ayuu yiri mid ka mid ah Dhalinyaradan oo la hadlayey warbaahinta.

Waxaa uu intaas ku daray in howsha xareynta xogta dugsiyada Muqdisho ay ku qaadatay iney ku dhameeyaan muddo saddex bilood ah, markii ay ku guuleysteen halkii ay ka filayeen abaal marina albaabada laga xirtay, balantii laga qaadayna looga baxay, iyadoo xitaa aan la siin gunooyin loo balan-qaaday.

“Markii aan shaqadii dhameynay, ugu horeyn Group-kii Whatsapp-ka ahaa ee aan ku wada xiriirireynay anaga iyo aggaasinka waa nalaga saaray sabab la’aan, markii aan telefoono u dirnayna waa nalaga qaban waayey, intaasoo dhan waxaa ka sii daran in shaqooyinkii uu noo balan-qaaday agaasinka la geeyey dad kale” ayuu yiri.

Dhalinyaradan ayaa sheegay iney garaaceen albaab kasta, ayna waayeen cid wax ka qabata cabashadooda iyo sidii ay u heli lahaayeen xuquuqda ka maqan muddo shan bilood ah.

“Waxaan ka codsaneynaa Madaxda sare ee Qaranka sida Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha dalka iney soo fara geliyaan xaalada na heysata, waxna ka qabtaan gabood falka aan tirsanayno” ayuu yiri mid ka mid ah Dhalinyaradan.

Maamulka gobolka Banaadir iyo agaasinkiisa Waxbarashada oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan arrintan oo qeyb ka ah dhibaatooyinka lagu hayo dhalinyarada shaqo la’aanta ee Muqdisho.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA MID KA MID AH DHALINYARADAN OO LA WAREYSTAY

afiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -