Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada oo Cadaalad daro weyn ku sameesay Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle !!

Wasaaradaha Maaliyadda iyo howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumada Soomaaliya ayaa lacag gaareysa 112-Milyan oo Dollar u qoondeeyay in lagu dhiso laguna hor mariyo afar magaalo oo kutaala dalka.

Lacagtan gaareysa 112-milyan oo dollar ayaa loo qeybiyay maamulada Banaadir, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed, waxaana maamul kastan lacagtan kaga soo aadeysa 28-milyan oo dollar.

Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaan lacagtan haba yaraatee waxba laga siin, lamana cadeyn sababta labadan maamul looga reebay lacagtan lagu maal galinayo dhismaha wadooyinka iyo Mashaariicda laga fulinayo maamulada kale.

Dad badan ayaana aragtiyo kala duwan durba ka dhiibtay cadaalad daradan dowlada federaalka sameesay, waxaana inta badan eeda dusha laga saaran Siyaasiyiinta kasoo jeeda labada maamul ee la xaqiray kuwaa gabay waajibaadkii saarnaa.

Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle ayaa ah labada maamul ee ugu liita maamulada dalka ka jira xag siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaana labadan maamul aysan laheyn ilo dhaqaale sida Dekado hadana dowlada kala kulmeysa cadaalad daro.

Inta badan lacagaha deeqaha ee dowlada federaalka bixiso iyo kuwa beesha Caalamka soo dhiibaan ayaa la siiyaa maamulada Puntland , Jubbaland iyo koonfur galbeed, waxaana xusid mudan in labo kamid ah maamuladan aysan hada wada shaqeyn la laheyn dowlada.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo leh ilo dhaqaale sida Garoomad iyo dekaddo waa weyn ayaa hada hela inta badan lacagaha ay dowlada federaalka ugu tala gashay maamulada iyo lacagaha kale ee deeqaha ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Yaa Ka Masuul ah Dib u dhaca Doorashada dalka :Xaliima Yarey mise Siyaasiyiinta?(Ogow Xaqiiqada)

Cabdi Cade

Ciidamada Kumandoska Gorgor oo qaaday talaabo si weyn loogu amaanay (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidanka NISA oo shaaciyay natiijada ka soo baxday howlgal ay ka fuliyeen Muqdisho

Caydiid Ali