Militariga Itoobiya oo shaaciyey mudada ay ku soo afjarayaan qabashada Makelle

Militariga Itoobiya ayaa goor danbe oo Jimcihii ah sheegay in ciidamada dalkaasi ay maalmaha soo socda la wareegi doonaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, maalin ka dib markii uu ra’iisul Wasaaraha dalkaasi ku dhawaaqay “wejigii ugu dambeeyay” ee gulufka dagaal ee ka dhan ah gobolkaasi.

Ciidamada federaalka ayaa la wareegay gacan ku haynta Wikro, oo ah magaalo 50 KM dhanka waqooyi ka xigta Mekelle, waxayna “maalmo gudahood maamuli doonaan Mekelle,” ayuu qoraal uu soo saaray ku sheegay Gaashaanle dhexe Xassan Ibrahim.

Waxa uu tilmaamay in ciidamada dowladdu ay sidoo kale la wareegeen magaalooyin kale oo dhowr ah.

Hase ahaatee, kooxda TPLF ayaa la sheegay iney difaacyo adag dhigeen hareeraha magaalada Makelle, halkaasoo ay dhufeyso ka qoteen kumanaan dagaalyahan oo ka tirsan kooxdaas.

Sheegashada dhinacyada dagaalku u dhexeeyo ee ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF ayaa ah wax aaney macquul aheyn in la xaqiijiyo sababtoo ah waxaa gobolka ka go’an taleefannada iyo qadka internetka.

Fiidnimadii Jimcaha, “shanqar weyn, oo qarax” ayaa laga maqlay magaalada Asmara ee dalka deriska ah ee Eritrea, safaaradda Mareykanka ee halkaas ayaa sidaasi ku sheegtay bayaan ay soo saartay maanta oo Sabti ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -