Allbanaadir.com
Life StyleNEWS

Xassan Shiikh & telefan kula xiriiray dhigiisa Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogan ayaa uga tacsiyeeyay muwaadiniinta ku geeriyooday weerarkii argagixiso ee ka dhacay Ankara.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la qeybsanayaan xanuunka iyo muragada walaalahooda dalka Turkiga, isaga oo Eebbe uga rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ay dhaawacyadu ka soo gaareen weerarkii bahalnimada ee ka dhacay xarunta Warshadaha ee magaalada Ankara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka iyo dowladda Turkiga ku adkeeyey in ay u midoobaan sidii ay uga hortigi lahaayeen dhacdooyinka noocan ah, waxa uuna Alle uga baryey muwaadiniinta Turkiga ee ku nafwaayey qaraxaas in Alle u naxariistiisto, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelkooda iyo dowladdooda.

Related posts

Maxay tahay halista ka soo fool leh Iran ee ay ka digayaan dalalka Khaliijka & Maraykanka?

Caydiid Ali

William Ruto oo Shaaciyay Arrimo uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala shaqeyn doono

Cabdi Cade

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ka fuliyey degaan ay gacanta ku heysay Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---