Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaal Khasaare geystay oo ka dhacay Magaalada Baydhabo

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay oo ah xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed, kaasoo dhexmaray xoogaga Al-Shabaab iyo ciidamada dowlada.

Dagaalka ayaa bilowday markii kooxo ka tirsan Al-shabaab ay weerareen fariisimo ciidamada dowladu ku leeyihiin hareeraha magaalada gaar ahaan halka loo yaqaano Buulo Fulaay.

Waxaa la maqlayey rasaas xooggan iyo qaraxyo ay isweydaarsanayeen labada dhinac, kuwaasoo socday mudo saacad ku dhow inkastoo markii xaaladu au degenaansho ku soo laabatay.

Ugu yaraan hal askari oo ka tirsan ciidamada dowlada ayaa la soo sheegayaa inuu ku geeriyooday weerarkan halka tiro dad ah oo iskugu jira askar, haween iyo caruur dhaawac ahna la gaarsiiyey isbitaalka Baydhabo sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka Isbitaalkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo howlgal ku soo qabtay rag looga shakisan yahay Al-Shabaab (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shuruud ku xirtay iney Mashaariic ka fuliso gobolada dalka

Caydiid Ali

Iska hor imaad khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---