Abiy Axmed oo beesha caalamka uga digay fara gelinta dagaalka ka socda Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa ugu baaqday beesha caalamka inaysan isku dayin Tallaabooyin aanan lasoo dhaweeynin oo ku saabsan faragelinta xaaladda dagaalka ka socda gobolka Tigray xilli uu isa soo tarayo cadaadis caalami ah oo ku saabsan xabad joojin si gargaar banii’aadanimo loo gaarsiiyo shacabka ku nool gobolkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dalkiisa uu diiday in la soo farageliyo arrimihiisa gudaha, isagoo ka codsaday beesha caalamka inay qaddariyaan mabaa’diida aasaasiga ah ee dhigayo inaan la sameyn wax faragelin ah sida ku xusan xeerarka caalamiga ah.

Abiy Axmed wuxuu sheegay inuu soo dhaweynayo walaaca beesha caalamka ka muujinayaan xaaladda Itoobiya

“Waxaan carabka ku adkeynayaa in Itoobiya ay leedahay awood isla markaana ay ku rajo weyn tahay inay xaliso xaaladda iyadoo loo marayo sharciga iyo xeerarka caalamiga ah” ayaa lagu bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay iney qabsadeen inta badan gobolka Tigray, ayna isku diyaarinayaan iney weerarkii ugu dambeeyey ku qaadaan magaalada Makelle ee caasimada gobolkaas oo joogaan hogaanka TPLF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -