Raisul Wasaaraha dalka oo Baydhabo kula kulmay talisyada XDS & AMISOM (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Baydhabo kulan kula yeeshay taliyeyaasha iyo saraakiisha Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliyeyaasha Ciidanka AMISOM ee ku sugan Koonfur Galbeed.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo uu wehliyay madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa taliyeyaasha kala hadlay guud ahaan amniga Koofur Galbeed, Sugidda amniga doorashooyinka dalku galay iyo dardar galinta dagaalka iyo howlgallada ka dhanka kooxda Alshabaab.

“Waxaan idinku boorrinayaa in aad xil weyn iska saartaan sugidda amniga guud ahaan, gaar ahaan xilligan ay doorashooyinku socdaan. Waxaa kaloo la doonayaa in aysan hakad galin howlgallada ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee bulshadeenna dhibaatada ku haya oo naftooda iyo hantidoodaba burburinaya” ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku yiri Saraakiisha Ciidanka Xooogga Dalka iyo kuwa AMISOM ee uu la kulmay.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta soo gabagabeeyay safar 3 cisho qaatay oo isaga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu joogay Koonfur Galbeed waxa uu xarigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Rooble ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismeyaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -