Allbanaadir.com
NEWS

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirkii Musharaxiinta Madaxweyne iyo Gudoonka Golaha Shacabka

Waxaa caawa Hotelka Jaziira ee magaalada Muqdisho ka dhacay shir xasaasi ah oo u dhaxeeyay qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya iyo  Gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka.

Shirkan oo ahaa mid albaabada u xirnaa ayaa ka duwanaa shirarkii maalmahan ka socday Hotelka Jaziira, waxaana shirka caawa qeyb ka ahaa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal iyo Kuxigeenkiisa koobaad Cabdiweli Muudey.

Sida aan xogta ku helnay shirkan ayaa looga hadlay arimo dhoor ah ay kamid ahaayeen khilaafka ka taagan doorashada iyo sidoo kale guddiyada dooarshada ee Xukuumada iyo maamulada qaar magacaabeen ee u badan Nabad sugida iyo Taageerayaasha Farmaajo.

Dhinacyada shirka u socday ayaa is dhaafsaday aragtidooda ku aadan khilaafka ka taagan doorashada iyo walaaca ay qabaan musharaxiinta Madaxweynayaasha qaarkood ee ku aadan in doorashada noqoto mid aan wada ogol aheyn.

Gudoomiyaha golaha shacabka iyo kuxigeenkiisa oo kulanka ka hadlay ayaa iyana qiray jiritaanka walaaca ay qabaan musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in aysan raali ka aheyn in dooarshada noqoto mid afduuban.

Musharaxiinta Madaxweyne ee caawa shirka ka qeyb galay iyo Gudoonka golaha shacabka ayaana u balamay berito shir kale oo balaaran, waxa ayna labada dhinac is dhaafsadeen walaaca taagan iyo sida xal loogu heli karo.

Shirka in ka badan 10-Musharax uga socda Hotelka Jaziira ayaa yeeshay waji kale oo cusub, waxaana shirka maanta iyo caawa kusoo biiray Gudoonka Aqalka Sare iyo gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federalka iyo siyaasiyiin kale oo saameyn leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abiy Axmed oo shaaciyay xiliga lasoo gaba gabeenayo Howlgalka ka socday Gobolka Tigrey

Cabdi Cade

Soomaaliya oo laga cafiyay lacag ka badan 2 Bilyan oo Dollar iyo Dowladaha cafiyay

Cabdi Cade

Aqalka Sare oo maanta meel mariyay Sharciga Doorashooyinka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---